Daafaca bidix ee kooxda Barcelona Marcos Alonso ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday heshiis labo sano ah oo ay u soo bandhigtay Manchester United.
Red Devils ayaa suuqa ugu jirta saxiixa daafac bidix oo cusub kadib dhaawacii soo gaadhay luke Shaw.
Man United ayaa xiiso u muujisay xiddigii hore ee kooxda chelsea waxana ay u soo bandhigeen heshiis 2 sano ah.
Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa sheegtay in Alonso uu go’aansaday in uu iska diido dalabka United si uu u sii joogo Barcelona.
Alonso ayaa la sheegayaa inuu doonayo u dagaalamsta booskiisa kooxda Barcelona.
Related