Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa laga yaabaa inuu wajaho ciqaab dheeri ah oo kaga timaada xiriirka kubada cagta Ingiriiska, ka dib falcelintii uu ka qaatay casaankii loo taagay kulankii Newcastle, sida ay wararku sheegayaan.
Van Dijk ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 28-aad kulankii ay Liverpool la ciyaaraysay Newcastle United horyaalka premier Leage.
Xiddiga Van Dijk ayaa si xoogan uga fal celiyay kaadhka cas ee loo taagay isaga oo la murmay garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayay.
Daafaca Van Dijk ayaa xitaa diiday in uu ka boxo garoonka iyada oo si dirqi ah looga saaray ciyaarta.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Fal celinta Van Dijk iyo in uu diido ka bixista garoonka ayaa keeni karta in uu la kulmo ciqaab dheeraad ah
Xiddiga 32 jirka ah ayaa shaki la’aan seegi doona kulanka Aston Villa ee todobaadka dambe laakiin waxa ay ka wal-walsantahay kooxdu in uu wajoho ciqaab dheeraad ah.
Related