Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka dib kulankii Fulham, Mikel Arteta ayaa yiri: “Way adag tahay in ciyaartoyda oo dhan la reebo”.
“Marka aan arko kursiga keydka, waxaa jira ciyaartoy badan oo aan wali ciyaarin, dhawaan taasi waxay noqon doontaa xaalad gabi ahaanba ka duwan sida ay haatan tahay”.
“Waxan u malaynayaa in ay xiddigaha badalka ku soo galay wax weyn ka badaleen ciyaarta, waxaana jeclahay ka go’naanoshohooda iyo kalsoonida”.
Arsenal ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay fulham kulan ka dhacay Emirates kaas oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen.
Gunners ayaa lumisay dhibcihii ugu horeeyay ee horyaalka premier League.
Related