Fred ayaa xaqiijiyay in ay Man United ku dhawdahay saxiixa Goolhayaha Kooxda Fenerbahce Altay Bayindir oo Red Devils ugu biiray lacag dhan 4.3 milyan euro.
Goolhayaha 25 jirka ayaa todobaadkii hore tijaabada caafimaadka u maray kooxda Man United iyada oo heshiisku ku xidhan yahay ka tagista Dean Henderson oo ka taga kooxda.
Man United ayaa Crystal Palace ka aqbashay dalab 15 milyan oo euro ah laakiin Goolhayaha ayaan wali si Rasmi ah ugu biirin Palace.
Marka uu Henderson ku biiro Crystal Palace, Bayindir ayaa si Rasmi ah ugu biiri doona kooxda Man United.
Haatan Fred ayaa xaqiijiyay in heshiiska Goolhayaha uu ugu biirayo Man United uu aad u dhawyahay isaga oo nasiib wacan u rajeeyay Goolhayaha.
“Waxan nasiib wacan u rajaynayaa Bayinidr waxa uu ku biirayaa Koox fiican”.
Related