Goolhayihii hore ee David James ayaa sheegay in Goolhayaha Man United ee Andre Onana uu ka fiicanyahay labada Goohayayaasha Arsenal ee Aaron Ramsdale iyo David Raya.
James oo 53 jir ah ayaa u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Man City isaga oo soo qaatay 26 sano oo xirfadiisa ciyaareed ah.
Man United ayaa Onana ku badashay De Gea iyada oo kala soo wareegtay kooxda Inter Milan.
Onana ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man United 3 Kulan ee ay kooxdu ciyaartay James ayaana la dhacsan Goolhayaha reer Cameron.
“Waxaan ahay taageere weyn,” ayuu qirtay mar uu la hadlayay ggrecon. “Markii ay Manchester United la soo wareegtay isaga, si aamusnaan ah ayaan u qaylinayay, taasna aniga ma odhanayo waxaan doonayaa in Manchester United ay wax walba ku guulaysato”.
“Aniga ahaan waxa aan qabaa in uu ka fiicanyahay Ramsdale iyo Raya”.

Related



Source link