Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalab amaah ah oo ay Red Devils ka gudbisay saxiixa xiddiga Ivan Perisic.
Man Unied suuqa ugu jirta badalka Luke shaw kaas oo dhaawac uga maqnaan doona garoomada in muddo ah.
Perisic oo 34 jir ah ayaa ka ciyaari kara daafaca bidix iyo waliba khadka dhexe halka uu sidoo kale ka ciyaari karo garabka weerarka.
Sidaas darteed Ten Hag ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday in loo keeno kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Red Devils ayaa la xidhiidhay Tottenham si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga reer Croatia ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Laakiin Tottenham ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda Man United iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ahayn xagaagan.
Related