Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu u sheegay maamulka Liverpool in uu doonayo in uu ka tago kooxda xagaagan.
Salah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Al-Ittihad kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxda suuqa xagaaga.
Kooxda Al-Ittihad ayaa heshiis waali ah u soo bandhigtay salah si ay ugu qanciso in uu xiddigu yimaado horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay Rudy Galetti, Mohamed Salah ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Al-Ittihad Inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Kooxda Liverpool ayaa horay u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Liverpool ka fiirsanayso in ay iska iibiso xiddiga hadii uu ku adkaysto in uu boxo.
Related