Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Sheffield United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Man City ayaa sidii caadada ahayd maamulayay ciyaarta xilli ay wax walba kaga awood badnaayeen kooxda Sheffield United.
Sheffield United Ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku qaadayeen Man City.
Xiddiga Haaland ayaa kooxdiisa rikoodhe ka khasaariyay daqiiqadii 37-aad ee qaybta hore ee ciyaarta kadib markii kooxdiisa loo dhigay rikoodhe.
Qaybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo Sheffield United si fiican u difaacatay goolkeeda.
Kooxda Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal hogaanka ciyaarta u dhiibta.
Daqiiqadii 63-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Sheffield United Ayaa bilowday in ay raadiso soo laabato isla markaas raadiso goolka bar-baraha ee ciyaarta.
Daqiiqadii 85-aad ayay Sheffield United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Jayden Bogle kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Man City ayaa bilowday in ay raadiso in ay ku soo laabato hogaanka ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 88-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxnaa u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Sheffield United.

Related



Source link