Ka dib ciyaar qeybta hore ay si wacan u ciyaareen Newcastle , Liverpool ayaa waqtigii  dheeriga waxa ay guul ka gaareen Newcastle United kuwaasi oo ka caano maalay fursado ay qasaariyeen
Newcatsle ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpool hal gool oo nadiif ah kaasi oo ku yimid qalad dhanka ilaalada ah oo ka dhacay Arlond
Wiilasha Klopp waxaa ka dib goolkaas kaarka casaanka ka qaatay Van Dijk waxa ayna taasi Newcastle siisay fursad ay ku bandhigaan kubad aad u habeysan
Haddii goolhayaha Liverpool ahaan laheyn goolal intaas ka badan ayaa ka dhalan lahaa Liverpool kuwaasi oo ay ku adkeyd in kubadda gudaha fog gaarsiiyaan
Newcastle diyaar buuxa ayay u ahayeen kulankaan waxa ayna kooxda Klopp laga toogtay garabka middig mana jirrin halis badan oo ay sameynayeen saaxibada Salah .
Waxaa xusid mudan in qadka daafaca Liverpool ahaa waddo halka Newcastle qadkooda dhexe ahaa cajiib ahaa .
Soo laabashadii ,  biloowgii  run ahaantii Newcastle waa ku baashaaleen Liverpool waana mudnaayeen goolal dheeraad ah balse goolhayaha ayaa hor taagnaa
Cadaadis xooggan ayaa saarnaa wiilasha Klopp waana looga gacan sareeyay kubad haysashada .
Markii la gaaray daqiiqadii 60-aad Liverpool dhaqaqaaq ayay bilaabeen iyo in  ay weerar qaadaan balse daafaca Newcastle ayaa ahaa mid  foojigin .
Salah dadaal dheeraad ah ayuu bixinayay  balse nasiibka ayaa ka maqnaa xilli Liverpool ku wacnaayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Newcastle waliba koornooyin badan ayay helayeen .
Ka dib dhacyooyinkaas , Newcastle kubad taxadar leh ayay ciyaarayeeysay xilli Liverpool ka sheegteen qasaarinta fursado xaqiiq ahaa waxaan ugu darnaa Nunez
Liverpool dhamaadkii waa dagaalameen ilaa goolka bar bar dhaca keeneen waxaana saxixiay Nunez daqiiqadii 81-aad , waxa ayna ka faa`ideysteen  dib u gurasho Newcastle sameeyeen
Qaladka ugu weyn ee Newcastle ka dhacay ayaa aha badel ay ku sameeyeen xiddigii dhaq dhaqaaqayay
 

Related



Source link