Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Villarreal kulan ka tirsnaaa horyaalka La Liga.
Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood qaadayeen weeraro is dhaafsi ah si ay u helaan goolal.
Barcelona ayaa daqiiqadii 12-aad dhalisay goolka 1-aad waxna u dhaliyay Gavi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Kooxda Villarreal ayaa soo laabatay waxana ay daqiiqadii 26-aad dhaliyeen goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Juan Foyth kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona hogaaminayso laakiin Villarreal dhinaceeda iska caabisay.
Qaybtii dambe ayay Villarreal ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonaya in ay bar-bareeyaan.
Daqiiqadii 40-aad ayay dhaliyeen goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alexander Soloth kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Kooxda Barcelona aya bilowday in ay ciyaarta ku soo laabatay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal kale.
Lakaiin Villarreal ayaa daqiiqadii 50-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alex Baena kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 68-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres.
Xiddiga Robert Lewandowski aya daqiiqadii 71-aad dhaliyay goolka 4-aad waxnaa uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul cidhiidhi ah.

Related



Source link