Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee EriC Garica inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Arsenal ayaa u muuqata kuwo dib u galay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay dhaawac muddo dheer ah ku waayeen xiddiga Jurrien Timber.
Timber ayaa bilowgii xagaagan ku soo biiray kooxda Barcelona waxana uu ka ciyaari karaa boosas badan oo daafaca ah.
Laakiin Timber ayaa durba dhaawac soo gaadhay kulankiisii ugu horeeyay ee uu Arsenal u ciyaaray horyaalka premier League.
Haatan Arsenal ayaa dib u gashay suuqa maalmaha ka dhiman suuqa iyaga oo doonaya xiddig daafaca ka ciyaara.
Arteta ayaa maamulka kooxdiisa ka dalbaday xiddiga Barcelona ee Erik Gacia.
Garcia ayaa xidhiidh fiican la leh Arteta maadama uu ka soo hoos shaqeeyay markii uu caawiyaha ka ahaa horyaalka premier League.
Related