Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacaya Old Trafford.
Man United ayaa kulanka soo galaysa sidii ay uga soo kabsan lahayd guuldaradii ka soo gaadhay Tottenham todobaadkii hore.
Sidoo kale Nottingham Forest Ayaa doonaysa in ay guul gaadho kadib guuldaradii ay kala kulantay premier League.
Kulanka: Man United Vs Nottingham Forest
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 5:00
Garoonka: Old Trafford
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Manchester United ayaa badisay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Nottingham Forest tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan dhamaan afartii kulan ee ay kulmeen xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ku dhaliyay celcelis ahaan 10 Gool.
Forest ayaa diiwaan gashatay hal guul 12 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Red Devils, labo barbaro iyo sagaal guuldarro.
Guusha kaliya ee ay Nottingham Forest ka gaadhay Man United ayaa ka dhacday Old Trafford iyaga oo 2/1 uga badisay December 1994.
Related