Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto saxiixa daafaca Bayer Leverkusen ee Piero Hincapie inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
21-sano jirkaan ayaa 30 kulan oo Bundesliga ah u ciyaaray kooxda Xabi Alonso xilli ciyaareedkii hore – isagoo ku soo bilowday 27 ka mid ah – wuxuu dhaliyay hal gool mid kalena caawiye ka ahaa.
Hincapie ayaa xulkiisa Ecuador u matalay koobkii adduunka ee 2022 ee lagu qabtay Qatar, isagoo ku soo bilowday dhammaan seddaxdii kulan ee heerka guruubyada xulkiisa.
Tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda reer Argentina ee Talleres xagaagii 2021, daafaca ayaa u saftay 76 kulan kooxda reer Germany isagoo u dhaliyay seddex gool labadii sano ee uu joogay kooxda.
Sida laga soo xigtay Fijaches, Liverpool ayaa isha ku haysa inay Hincapie keento Anfield xagaagan, iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu ku xoojiyo doorkiisa daafaca ka hor inta uusan xirmin suuqu.
Wararka ayaa sheegaya in ay Leverkusen kaliya xiddiga ku iibinayso lacag dhan 70 milyan oo euro taas oo la macno ah in ay lacag u baahantahay.

Related



Source link