Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in ayna kooxdu raadinayn in ay keento weeraryahan cusub ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Red Devils ayaa lacag badan ku iibsatay Rasmus Hojlund horaantii xagaagan, laakiin xiddiga reer Denmark ayaan wali kooxda wax kulan ah u ciyaarin sabab la xidhiidha dhaawac.
Man United ayaa kaliya dhalisay hal gool oo kaliya 2-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Laakiin Erik Ten Hag ayaa sheegay in ayna kooxdiisu wax weeraryahan cusub ah la soo saxiixan doonin suuqa xagaagan.
“Lama soo saxiixan doono weeraryahan cusub sababta oo ah Rasmus ayaa diyaar noqon doona todobaadka dambe”ayuu Ten Hag yidhi.
“Maadama aan sidoo kale haysano Martial waxa aan haysanaa xiddigo nagu filan”ayuu sii raaciyay.
Related