Chelsea ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay goolhayihii New England Revolution Djordje Petrovic.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa qandaraas todobo sano ah u saxiixay kooxdiisa cusub ka dib markii Blues ay kula soo wareegtay 14 milyan oo euro.
Petrovic ayaa la filayaa inuu booska Goolhayaha kula tartamo Robert Sanchez oo ku bilowday 3-dii kulan ee ay chelsea ciyaartay premier league.
23-sano jirkaan ayaa sanad iyo afar bilood ku qaatay kooxdiisii hore, isagoo u saftay 43 kulan oo horyaalka ah.
Kooxda chelsea ayaa sii wada xoojinta kooxdeeda iyaga oo Goolhaye Petravic ka dhigay saxiixoodii ugu dambeeyay ee xagaaga.
Related