Kooxda Arsenal ayaa laga dhaliyay gool wakhti hore ah kulanka ay la ciyaarayso Fulham ee ka tirsan horyaalka premier League.
Fulham ayaa daqiiqadii 1-aadba Arsenal ka dhalisay goolka 1-aad ee furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Andreas Pereira kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Arsenal ayaa iska jari la’a cilad ama hal dhibaato 3 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaarta horyaalka premier League.
Gunners ayaa goolka furitaanka looga hor maray 3 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa goolka furitaanka looga horeeyay kulamadii ay garoonkeeda kula ciyaartay Bournemouth, Southampton iyo Fulham.
 

Related



Source link