Kooxda Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay Fulham inkasta oo ay 10 xiddig ahayd kooxda Fulham.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Fulham si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Arsenal ku qaadayay weeraro wakhti hore ah.
Daqiiqadii 1-aad ayay Fulham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Andreas Pereira kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Arsenal ayaa goobo galisay kooxda Fulham iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.
Fulham ayaa dhinaceeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay marar badan ku halis galiyeen goolka Arsenal.
Waxa sidaas ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Fulham hogaaminayso ciyaarta iyaga wax walba sameeyay laakiin ayna u suurtagalin in ay bar-barayso.
Qaybta dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaaatay iyaga oo wax walba u samaynaya sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.
Daqiiqadii 70-aad ayay Arsenal heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Bukayo Saka kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Arsenal ayaa bilowday sidii ay u raadin lahayd goolal ay ciyaarta hogaankeeda kula wareegaan xilli ay Fulham difaac gashay.
Daqiiqadii 72-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eddie Nketiah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Fulham ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo ka baxay daafaca si ay ula ciyaaraan Arsenal.
Daqiiqadii 83-aad ayaa Fulham kaadhka cas looga taagay xiddiga Calvin Bassaye kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.
Laakiin Fulham ayaan ka niyad jabin kaadhka cas waxana ay daqiiqadii 87-aad dhaliyeen goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Joao Palinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal lumisay labadii dhibcood ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka premier League.
Related