Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Aaron Wan-Bissaka u isticmaasho soo xero galinta xiddiga daafaca uga ciyaara Wolves ee  Nelson Semedo.
Horaantii isbuucaan, Wolves ayaa ku dhawaaqday in daafaca midig uu saxiixay qandaraas labo sano ah kaas oo kooxda ku sii hayn doona ilaa 2025.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankaas waxaa qaatay Tababarihii hore ee Julen Lopetegui kaas oo ka tagay kooxda waxana ay kooxd haatan badashay go’aankeeda.
Semedo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana la dhacsan tababaraha kooxda ee Erik Ten Hag waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa keeno xagaagan.
sida laga soo xigtay Insider Football, Ten Hag ayaa diyaar u ah in uu xiddiga Wan-Bissaka u diro kooxda Wolves si uu isaguna u helo xiddiga Semedo xagaagan.

Related



Source link