Manchester United ayaa waxaa soo gaaray dharbaaxo kale oo dhaawac ah iyadoo daafaceeda Luke Shaw uu garoomada ka maqnaan doono muddo dheer ka dib dhaawac muruqa ah.
28 jirkaan ayaa ciyaaray 90 daqiiqo labada kulan ee Premier League ee United ilaa haatan xilli ciyaareedkan, guushii cidhiidhiga ahayd ee Wolves iyo guuldaradii 2-0 ee axadii ee Tottenham.
Si kastaba ha ahaatee, The Athletic ayaa sheegaysa in uu xiddiga Shaw seegi doono kulanka sabtida ee ay La ciyaari doonaan Nottingham Forest iyo kulanka isbuuca soo socda ee Arsenal.
United ayaa warkan ku xaqiijisay goor dambe oo fiidnimadii Khamiista iyada oo bayaan kooban soo saartay: ‘Daafaca Manchester United Luke Shaw ayuu soo gaadhay dhaawac muruqa ah waxana uu seegi donaa kulamada soo socda”.
“Dhaawaca oo ah mid muruqa ah ayaa la qiimayn doonaa laakiin xiddiga reer England ayaa muddo aad u dheer garoomada ka maqnaan doona”ayay sii raaciyeen.
Related