Kooxda Real Madrid ayaa guul ay u rafaaaday ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Celtv Vigo ahayd kooxda fiican dhinac walba iyaga oo ka awood badnaa kooxda Real Madrid.
Celta Vigo ayaa samaysay fursado aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay Real kaga dhaliyaan goolka.
Kooxda Celta Vigo oo marti loo ahaa ayaa dhalisay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.
Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Celta Vigo wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool.
Qaybta dambe ayay Celta Vigo ahayd kooxda fiican iyada oo Real Madrid dhinaceeda heshay fursado ay ku dhalin karto goolal.
Real Madrid ayaa xitaa heshay rikoodhe laakiin waxa rikoodhada laga qabtay xiddiga Rodrygo oo ku fashilmay in uu gool u badalo rikoodhada.
Kooxda Real Madrid ayaa daqiiqadii 81-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay saxiixooda cusub ee Jude Bellingham kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Celta Vigo ayaa isku dayday in ay ku soo laabatay ciyaarta laakiin Real Madrid ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Celta Vigo Iyada oo xiddiga Jude Bellingham sii wado wacdaraha uu dhigayo.
Related