Supercomputer ayaa saadaaliyay kala saraynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedka iyada oo lagu qiimeeyay qaab ciyaareedka labada kulan.
Horyaalka Premier League ayaa ku bilowday si cajiib ah iyada oo la ciyaaray laba kulan isla markaas si weyn loogu raaxaystay.
Kooxda Man City ayaa mar kale ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub iyaga oo tartan kala kulmaya kooxaha Arsenal, Manchester United, Liverpool & Newcastle United.
Kadib markii la ciyaaray laba kulan horyaalka premier League SuperComputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono prmeier League.
Waxa uu supercomputer u saadaaliyay Man City in ay ku qaado horyaalka 87 dhibcood Arsenal iyo Newcastle ayaa loo saadaaliyay kaalinta 2-aad iyo 3-aad iyaga oo loo saadaaliyay in ay gaadhi doonaan 76 dhibcood iyo 75 dhibcood.
Sidoo kale Supercomputer ayaa Brighton u saadaaliyay in ay Liverpool Hal dhibic ugu garaacdo kaalinta 4-aad ee kala saraynta iyada oo United loo saadaaliyay in ay seegto boosaska champions League kuna dhamaysato kaalinta 6-aad.
Halkan Kaga Bogo sida uu Supercomputer u saadaaliyay horyaalka premier League.
Related