Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Mason Mount ayaa lagu soo waramayaa inuu garoomada ka maqnaan doono muddo lix isbuuc ah ka dib dhaawac muruqa ah.
Mount ayaa horay looga saaray garoomada muddo seddex isbuuc ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray guuldaradii sabtidii ka soo gaartay Tottenham Hotspur.
Inkasta oo baadhitaankii hore muujiyay in uu seegi doono kulamada Nottingham Forest iyo Arsenal waxa jirtay rajo ah in uu garoomada ku soo laabto kadib fasaxa xulalka.
Si kasta ha ahaatee Daily Mail ayaa sheegaysa haatan in uu jiro wal-wal laga qabo dhaawaca Mount in uu ka halis badan yahay sidii hore.
Sidaas darteed Red Devils ayaa ka cabsi qabta in uu xiddiga reer England garoomada ka maqnaan doono muddo 6 todobaad ah.
Mount ayaa haatan halis ugu jiro in uu seego kulanka Brighton & Hove Albion ee 16 bisha September.
Sidoo kale waxa uu seegi karaa kulanka ugu horeeya ee wareega Group-yada tartanka champions League ee 18 bisha soo socota.
Related