Manchester United ayaa Moises Caicedo kula soo saxiixan kartay qiimo dhan 4.5 milyan oo euro xilli uu lacag rikoodh ah ugu biiray Man United.
Xiddiga Caicedo ayaa ahaa hadal haynta suuqa xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha chelsea iyo Liverpool.
Laakiin kooxda Chelsea ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga iyaga oo lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda chelsea isaga oo iska diiday Liverpool.
Xiddiga khadka dhexe ayaa xilli ciyaareedkii hore ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay u soo baxdo tartamada yurub.
Si kasta ha ahaatee wargayska Athletic ayaa sheegaya in ay Man United ku heli kartay saxiixa Caicedo kaliya 4.5 milyan sanadkii 2020 markii uu joogay kooxdiisii hore ee Ecuador.
Related