Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad.
Kooxda Al Ittihad ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Mohamed Salah si ay ugu xoojiyaan kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Al Ittihad ayaa xitaa diyaar u ah in ay Salah ka dhigto xiddiga ka mushaharka badan xiddiga Cristiano ROnaldo.
Sida laga soo xigtay BeinSports, Xiddiga Mohamed Salah ayaa ogolaansho siiyay kooxda Al Ittihad si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Related