Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in Federico Chiesa ay u aqoonsatay badalka Mohamed Salah.
Xiddiga reer Masar ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Liverpool iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Al-Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay saxafiga Di Marzio, Chiesa ayaa dib ugu soo laabtay diirada Liverpool kadib markii ay ogaatay in ay kooxda sucuudigu si aad ah u doonayso saxiixa xiddiga Salah.
Xiddiga Juventus ayaa loo arkaa bedelka saxda ah ee xiddiga weerarka ka ciyaara iyada oo ayna kooxda ka ciyaarta horyaalka talyaaniga meesha ka saarin in ay iibiso xiddiga.
Chiesa ayaa horaantii sanadkan shaki galiyay mustaqbalkiisa Juventus wuxuuna si maldahan u sheegay in uuna wax badan ka fikirayn mustaqbalka.

Related



Source link