Bartilmaameedka Liverpool iyo Manchester United Sofyan Amrabat ayaa laga saaray kooxda Fiorentina ee wajihi doonta Rapid Vienna kulan ka tirsan Europa Conference League habeenka Khamiista.
United ayaa si xoogan loola xiriirinayay Amrabat tan iyo koobkii adduunka ee xagaagii hore, iyada oo kooxdu aysan meesha ka saarin in ay la soo saxiixanayso xiddig khadka dhexe ah oo cusub.
Erik Ten Hag ayaa la soo shaqeyay xiddiga Amrabat intii u dhexaysay 2015 iyo 2017 iyaga oo ka soo wada shaqeeyay kooxda Utreht.
Intaa waxaa dheer, Liverpool ayaa xiiseyneysay Amrabat, sida laga soo xigtay Sky Sports Italy, waxay wadahadalo la yeelatay Fiorentina si ay u helaan xiddiga.
Viola News ayaa xitaa sheegaysa in Klopp uu si shaqsi ah ula hadlay xiddiga Ambrabat si uu ugu qanciyo in uu yimaado Anfield.
Fiorentina ayaa laga yaabaa in lagu qanciyo in ay iibiso xidditga kadib markii laga reebay liiska koxda ee kulanka is reeb-reebka Conference League.

Related



Source link