Jurgen Klopp ayaa isku dayay in uu ku qanciyo in uu ku soo biiro kooxda Ka hor intii uuna ku biirin chelsea waxana uu u diray fariin si uu xiddiga ugu qanciyo in uu yimaado Liverpool.
Reds ayaa Brighton kala heshiisay qiimaha xiddiga oo dhan 115 milyan oo euro Klopp ayaana fariimo badan u diray xiddiga si uu ugu qanciyo in uu yimaado Liverpool.
Laakiin xiddiga reer Ecuador ayaa si cad klopp ugu sheegay in uuna doonayn in uu ku biiro kooxda isla markaas doonayo in uu ku biiro kooxda Chelsea.
Liverpool ayaa ku rajo weynayd in ay heshiis la gaadho xiddiga khadka dhexe kadib markii ay Brighton aqbashay dalabkii Liverpool ka gudbisay xiddiga.
Sida laga soo xigtay The Athletic, xiddiga Caicedo ayaa iska diiday Liverpool waxana uu ka doortay kooxda Chelsea.
Blues ayaa ugu dambayn ogolaatay 115 milyan oo ay Brighton doonaysay waxana uu xiddigu ugu dambayn ku biiray kooxda chelsea.
Related