Hadal qurux badan oo ka yimid Eden Hazard ayaa ka caawiyay Romeo Lavia inuu go’aansado inuu iska diido Liverpool oo uu ku biiro Chelsea
Xiddigii hore ee Southampton ayaa dagaal dhex dhigay kooxaha chelsea iyo Liverpool iyada oo ay Blues ku guulaystay.
Liverpool ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga 19 jirka ah laakiin waxa ay ku dhibatootay in ay Southampton kala heshiiso saxiixa xiddiga.
Chelsea ayaa dhinaceeda ku biirtay tartanka kadib markii ay Liverpool ogolaan wayday qiimaha ay Southampton doonayso.
Kadib markii ay labada kooxood isku qiimo noqdeen, Lavia ayaa qaatay wakhtigiisa si uu u doorto kooxdiisa cusub.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Eden Hazard ayaa xiddiga la xidhiidhay isla markaas wax qurux badan uga sheegay taas oo ka caawiysay in uu ku biiro Blues.
Related