Martin Odegaard ayaa daaha ka qaaday in rikoodhkiisii gool dhalinta ee kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ay ku qancisay in uu rikoodhada ka badalo xiddiga Bukayo Saka kulankii ay Arsenala ka badisay kooxda Crystal Palace.
Gunners ayaa 1/0 kaga badisay kooxda Crysal Palace kulankoodii 2-aad ee horyaalka premier League waxana goolka u dhaliyay xiddiga Odegaard kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.
Odegaard ayaa daqiiqadii 53-aad dhaliyay gool rikoodhe ah waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul horyaalka premier League.
Saka ayaa sida caadiga ah qaadan jiray masuuliyada rikoodhada laakiin Odegaard ayaa ka badalay rikoodhada xiddiga ay isku kooxda yihiin.
“Wax badan ayaan laaday rikoodhayaal wakhtigii isku diyaarinta xilli ciyaareedka aniguna dhamaan waan badiyay rikoodhaayashaydii sidaas darteed waxa aan waydiistay Saka waxana uu ogolaaday in aan laagto”ayuu Kabtanka Arsenal.
Related