Kooxda Manchester United ayaa guul darro 3-0 ah kala kulantay kooxda Burnley kulan saaxiibtinimo oo albaabadu u xirnaayeen.
Inkasta oo si xoogan loo xoojiya kooxda xagaaga hadana Red Devils ayaa si aan fiicnayn ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyada oo Guuldaro kala kulantay Tottenham.
Man United ayaa heshay kulan saaxiibtinimo la ciyaartay kooxda Burnley iyaga oo doonaya in ay jir ahaan ugu diyaar garoobaan kooxda.
Kooxda Erik Ten Hag ayaa looga badiyay 3/0 kulan ay Burnley kula ciyaartay garoonka tababarka Man United.
Tababaraha ayaa ku bilaabay shaxdiisa xiddigo da’yar ah iyo xiddigaha ay ka mid yihiin Anthony Martial Iyo Facundo Pellistri.
Sidoo kale Xiddiga Scott McTominay ayaa ku bilowday shaxda kooxda Man United.
Related