Mason Mount ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Tottenham isbuucaan, sida la xaqiijiyay.
Manchester United ayaa soo saartay bayaan rasmi ah, iyadoo ku dhawaaqday in 24 jirkaan uu seegi doono kulanka Nottingham Forest ee sabtida.
“Dhaawac soo gaadhay ayaa Sabab u noqon doona in uu Mount garoomada ka maqnaado ilaa fasaxa xulalka ee bisha dambe”ayay warbixinta ku tidhi.
Tani waxay la macno tahay in Erik ten Hag uu filan karo inuu Mount ku soo laabto shaxda Man United bisha September ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.
Mount ayaa kooxda Man United kaga soo biiray chelsea suuqii xagaagan iyaga oo kooxda ugu yimid 60 milyan oo euro.

Related



Source link