Xiddiga reer England ee Raphael Varane ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Man United xilli uu xiiso ka helayo kooxaha sucuudiga.
30 jirkan ayaa muhiim ka noqday kooxda Man United tan ilaa markii uu Real Madrid kaga soo biiray waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.
Varane ayaa Man United ayaa kula jira heshiis ilaa 2025 waxana uu u ciyaaray kooxda 65 kulan tartamada oo dhan.
Kooxda Al-Ittihad ayaa xiiso u muujisay saxiixa Varane iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan kooxda.
Kooxda Man Unitd ayaa ka war qabta xiisaha kooxda sucuudiga ee Varane xilli ay u soo bandhigeen mushhaar aad u badan.
Si kasta ha ahaatee Varane ayaa iska diiday xiisaha kooxda sucuudiga si uu u sii joogo kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Related



Source link