Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo celisay xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kalvin Phillips.
Ka dib markii ay la soo saxiixatay xiddigaha Dominik Szoboszlai iyo Alexis Mac Allister kooxda ayaa wali ka shaqaynaysa sidii ay u heli lahayd xiddig kale oo khadka dhexe ah.
Liverpool ayaa ku fashilantay saxiixa xiddigaha Moises Caicedo iyo Romeo Lavia waxana ay doonaysaa in ay xoojiso khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay talkSPORT, Liverpool ayaa qarka u saaran inay dib u soo nooleyso xiisaheeda Phillips ka dib markii lala xiriiriyay xiddiga reer England horaantii xagaagan.
Phillips ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa ka dib xilli ciyaareed adag oo uu soo qaatay.
Laakiin Liverpool ayaa doonaysa in ay tijaabiso go’aanka xiddiga isla markaas miiska u saarto dalab
Related