Jamie Carragher ayaa sheegay in ay chelsea waddo dheer u jirto ku guulaysiga horyaalka premier League inkasta oo ay lacag badan suuqa galisay.
Kooxda chelsea ayaa xagaagan suuqa galisay lacag dhan 320 milyan oo euro iyaga oo 115 milyan kula soo wareegtay xiddiga Moises Caicedo.
Inkasta oo lacag badan la galiyay chelsea hadana Jamie Carragher ayaa aamisan in ay chesea u baahanahay Goolhaye Fiican inkasta oo ay la soo wareegtay Robert Sanchez xagaagan.
“Waxan u malanayaa in labadii kulan ee ay ciyaartay chelsea ay niyad jab ahaayeen marka la eego sida ay u ciyaareen”.
“Haatan waxa aan dareensanahay in ay u baahantahay Goolhaye Cusub, uma malaynayo in uu Sanchez ahayn Goolhaye horay u wadi kara kooxda.

Related



Source link