Kooxda Brighton ayaa si baas ugu digtaya kooxda chelsea kadib ceebtii Moises Caicedo ee kulankiisii ugu horeeyay.
Caicedo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxda Chelsea.
Xiddiga Caicedo oo badal ku soo galay daqiiqadii 61-aad ayaa sababay rikoodhe laga dhaliyay kooxdiisa xilli ay kooxdiiu raadinayso in ay ciyaarta ku soo laabato.
Kadib dhamaadka ciyaarta Brighton ayaan wakhti iska lumin waxana ay ku digatay kooxda chelsea iyo xiddiga Caicedo.
Brigton ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay” Dhamaan iibku waa kama dambays, ma jirto wax lacag celis ah, ama ka laabasho ah”.,
Kooxda Brighton ayaa qoraalka raacisay xiddiga Caicedo oo rikoodhe ku galaya xiddig kooxda West Ham ah.

Related



Source link