Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay sii haysato adeega Gabriel Magalhaes inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Daafaca dhexe ayaa 3 sano ku qaatay Arsenal waxana uu kooxda u saftay 121 kulan tartamada oo dhan.
Inkasta oo uuna xiddigu ku bilaaban labadii kulan ee ay Arsenal ciyaartay horyaalka Premier League hadana Arteta ayaa meesha ka saaray suurtagal walba oo uu xididgu kooxda uga tagayo.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Arsenal ayaan diyaar u ahayn in ay iibiso xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Kadib dhaawacii soo gaadhay Timber iyo in lagu jiro maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa xagaaga Arsenal ayaa go’aansatay in uuna xiddigu iib ahayn.
Related