suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay kooxo badan baanka u jabiyeen xiddigaha ay doonayeen.
Xiddigo badan ayaa lacago badan ugu biiray kooxo cusub tan ilaa markii uu furmay suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Moises Caicedo ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee lacag badna ugu biira koox kale isaga oo ugu biiray chelsea.
Shabakada Sky Sport ayaa soo saartay 10-ka saxiix ee ugu fiican suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa ah xiddiga ugu fiican ee ay Sky ku qiimaysay saxiixa ugu fiican.
Waxa ku xiga xiddiga Arsenal ee Declan Rice kaas oo Arsenal ugu biiray lacag rikoodh ah.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Bayern Munich ee Harry Kane kaas oo ku jira kaalinta 3-aad.
Halkan Hoose Kaga bogo sawirka 10-ka saxiix ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.
Related