Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Moises Caicdeo ayaa fariin u diray taageerayaash kooxda chelsea Kadib sidii xumayd ee uu ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray Blues kulan ay guuldarada 3/1 ah kala kulmeen West Ham.
Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa Caicedo todobaadkii hore iyaga oo kula soo wareegay lacag rikoodh ah
Xiddiga reer Ecuador ayaa soo qaatay daqiiqado uu doonayo in uu iloobo kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta.
Caicedo ayaa sababay rikoodhe in laga dhaliyo kooxdiisa kadib markii uu khalad ku galay xiddig West Ham ah.
Xiddiga ayaa haatan ka hadlay dhibaatadii uu ku dhibaatooday kulankii West Ham waxana uu yidhi”Ma ahayn kulankii aan doonayay in aan qaato.
“Laakiin waan ku faraxsanahay in aan ciyaaro daqiiqadahaygii ugu horeeyay waad ku mahadsantihiin taageerada”.

Related



Source link