Xiddiga reer Portugal ee Joao Cancelo, ciyaaryahanka Manchester City, ayaa aad ugu dhow inuu ku biiro Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxda ka hor xidhitaanka suuqa iyada oo doonaysa in ay u tartanto koobabka xilli ciyaareedka cusub.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa, Daily Mail, maamulka kooxaha Manchester City iyo Barcelona, oo ku jira heerarkii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka iyaga oo doonaya in ay heshiis ka gaadhaan saxiixa xiddiga.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Cancelo haatan sugayo kaliya in ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha si uu ugu duulo magaalada Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay saxiixa Cancelo soo afjarto todobadkan si ay xiddiga ugu diyaariso kulamada soo socda todobaadka dambe.
Related