Xiddiga kooxda Chelsea Raheem Sterling ayaa sheegay in guuldaradii 3-1 ee Premier League ay ka soo gaartay West Ham ay ahayd mid ay chelsea u qalantay.
Kooxda chelsea ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 2-aad.
“Way adagtahay in la aqbalo guuldarada,” Sterling ayaa sidaa u sheegay BBC Sport.
“West Ham waxa ay ka faa’iidaystay fursadihii ay heleen wayna u qalmeen in ay badiyeen ugu dambayntii ciyaarta”.
“Marka aad maamusho ciyaarta waa in aad ka faa’iidaysato fursadaha aad helaysid”.
“Halkan waa horyaalka premier League waana lagugu ciqaabayaa hadii aad fursadahaaga ka faa’iidaysan waydo”.

Related



Source link