Arsenal iyo Chelsea ayaa weli ka wada hadlaya sidii ay Blues u heli lahayd saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Folarin Balogun, iyadoo weeraryahanka uu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda ka dhisan Stamford Bridge.
Inkasta oo ay Chelsea ku kalsoontahay in ay xiddiga kala heshiin doonto Gunners hadana Arsenal ayaa doonaysa lacag badan si ay u iibiso xiddiga.
Chelsea ayaa u sheegtay Arsenal in ayna bixin doonin wax ka badan 30 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga 22 jirka ah.
Balogun oo Arsenal kula jira heshiis ilaa 2025 ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay chelsea waxana uu doonaya in uu ku biiro chelsea.

Related



Source link