Kooxda Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid ku adag kooxda Arsenal iyada oo Palace si fiican u difaacanaysay goolkeeda
Crystal Palace ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah xill ay Inta badan ku jireen daafac.
Arsenal ayaa dhinaceeda wax walba u samaynaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bilaa goolal iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin.
Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyada oo doonaysa in ay dhaliyaan gool ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 52-aad ayay Arsenal dhalisay gool kadib markii uu rikoodhe gool u badalay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta hogaankeeda u dhiibay kooxdiisa.
Kooxd Arsenal ayaa daqiiqadii 67-aad kaadhka cas looga saaray xiddiga Takehiro Tomiyasu kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig
Crystal Palace ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha xilli ay Arsenal daafac xogan gashay.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Crystal palace.

Related



Source link