Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Trent Alexander-Arnold kulankii Bournemouth premier League.
Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartii ay Liverpool ka badisay Bournemouth.
Tababare Klopp ayaa ciyaarta kadib wax laga waydiiyay dhaawaca soo gaadhay xiddiga intii uu ku jiray kulanka.
“Waxan rajaynayaa in uu fiicanyahay”ayuu Klopp yidhi.
“Waxa uu ii sheegay in uu laad la kulmay wayna xanuun badnayd, laakiin ma ahayn dhaawac halis ah”.
“Sababta aan u badalnay ayaa ahayd in uu dareemay xanuun laakiin wuu fiicnaan doonaa”.

Related



Source link