Tababaraha Kooxda Chelea ee Pochettino ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay West Ham kulan ka tirsan horyaalka premier League.
“Taasi waa kubbada cagta, kooxaha anaga oo kale ah, waxaan u baahanahay inaan helno isku dheeli tirnaan sax ah, waxaan qabaa in maanta ay jireen dhowr fal oo aanan si fiican u maamulin, waxa nalaga dhaliyay gool, waxaan abuurnay fursado badan, waxa ay ahayd in aan badino qaybtii hore ee ciyaarta”.
“Qaybtii 2-aad waxa nalaga dhaliyay gool kale, waxa nagu adkaatay in aan fursado abuurno, guud ahaan waxa uu ahaa kulan ay adagtahay in la sharaxo”.
“Ciyaarta anaga ayaa maamulaynay sidoo kale waxa aan abuurnay fursado badan waxana aan ahayn kooxda fiican laakiin waa nalaga badiyay”.
“Waxay ahayd niyad jab markii aan khasaarinay rigoorada, si fiican ayaan u ciyaarnay, mana aanan helin abaal-marin, qaybtii dambe si fiican ayaan ku bilaabanay laakiin gool ayaa nalaga dhaliyay”.
“Kadib si fiican ayaan u ciyaarnay hadana gool ayaa nalaga dhaliyay, waa in aan xooganaano”.

Related



Source link