Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay Fikirkiisa Ku aadan Moises Caicedo kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda chelsea isla markaas sababay rikoodhe kulankii ay chelsea guuldaro 3/1 ah kala kulantay West Ham.
Chelsea ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Caicedo oo ay 115 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga.
Xiddiga reer Eucador ayaa qalinka ku duugay heshiis 8 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda chelsea ilaa xagaaga 2023.
Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda kadib markii lagu badalay Ben Chilwell daqiiqadii 61-aad.
Markii wax laga weydiiyay Caicedo iyo rikoodhadii uu galay ayuu Pochettino yidhi”waxa uu sameeyay saamayn xun oo kooxda ah”.
“Waxa uu ii sheegay in uu diyaar u yahay in uu ciyaaro, 30-kii daqiiqo ee uu ciyaaray way u fiicantahay isaga, waan ogahay in uu niyad jabsanyahay laakiin waa in aan horay uga socono”.
Related