Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn isaga baxday baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fulham ee João Palhinha.
Liverpool ayaa xagaagan lala xidhiidhinayay xiddiga João Palhinha si ay ugu xoojiso khadka dhexe xilli ciyaareedkan.
Laakiin Liverpool ayaa haatan go’aansataya in ay isaga baxdo baacsiga xiddiga khadka dhexe.
Sababta ay Liverpool uga baxday baacsiga xiddiga ayaa ah in ayna diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta lagu qiimeeyo xiddiga.
Fulham ayaa xiddiga João Palhinha ku qiimaysa lacag dhan 80 milyan oo euro waana lacag ayna Fulham diyaar u ahayn in ay bixiso.
Wargayska Indenpedent ayaa sheegaya in ay Liverpool isaga baxday xiisihii ay u qabtay xiddiga reer Portugal.

Related



Source link