Kooxda Inter Miami ayaa Ku guulaystay koobkii ugu horeeyay taariikhdooda kadib markii ay garaaceen kooxda Nashville.
Kulanka ayaa ahaa final-kii ugu horeeyay ee uu Messi kala soo muuqdo kooxda Inter Miami waxana uu kooxda ku hogaamiyay koobka.
Kulanka caadiga ah ayaa ku dhamaaday bar-baro iyada oo ay labada kooxood ku kal bexeen rikoodhayaal.
Ciyaarta 90-kii daqiiqo ayaa ku dhamaatay bar-baro 1/1 ah waxana lagu daray ciyaarta 30 daqiiqo oo dheeri ah si loo kala boxo.
Lionel Messi ayaa daqiiqadii 23-aad goolka furitaanka ah u dhaliyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Laakiin kooxda Nashvile ayaa daqiiqadii 57-aad ku soo laabatay ciyaarta kana dhigtay 1/1.
Waxa ay labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal waxana ay 10/9 guushu ku raacday kooxda Inter Miami sidaasna ugu guulaystay koobkoodii ugu horeeyay.

Related



Source link