Barcelona ayay u suurtagashay in ay gaarto guusheedii ugu horaysay xilli ciyaareedkan horyaalka Spain, waxayna guushani ku timid kooxda Cadiz kadib markii ay ku badisay laba gool.
Ciyaartan oo ay marti galisay garoonka Luis Companes Olympic Stadium ee magaalada Barcelona ayaa waxaa goolkii ugu horeeyay u dhaliyay xiddiga da’da yar ee reer Spain ee Pedri daqiiqadii 82-aad.
Goolka ayaa yimid kadib baas cajiib ah oo uu ka helay xiddiga reer Jarmal ee Ilkay Gundogan kaas oo dhex maray daafacyada Cadiz, Pedri ayaana ku sugnaa goobta saxda ah ee fursada uu ka faa’iidaysanayay, wuxuuna dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta.
Ferran Torres ayaa daqiiqadii 90+4aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta,kadib markii uu kubada meel fog ka jiitay isla markaas shabaqada dhexdhigay kubada.
Guusha maanta ayaa ah tii ugu horeysay ee Barcelona ay gaarto xilli ciyaareedkan ka dib markii kooxda heysata horyaalka La Liga ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Getafe.
Barcelona ayaa kulankeeda soo socda la ciyaari doonta kooxda Villarreal Axada soo socota garoonka La Ceramica waana kulan la filayo in uu noqdo mid xiiso leh.
Related