Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Wataru Endo ayaa sheegay sababta uu u doortay Lambarka No.3.
Liverpool ayaa jimcihii soo bandhigtay Endo isaga oo noqday saxiixii 3-aad ee ay samaysay kooxdu suuqa kala iibsiga xagaagan.
Kabtanka xulka qaranka Japan ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono Liverpool.
Kadib markii uu si Rasmi ah ugu biiray Liverpool Endo ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u doortay No.3 oo uu kooxda horay ugu xidhan jiray Fabinho.
“Waxa ana ka ciyaaraa No.6, waxa aan ahay xiddig khadka dhexe ee daafaca ka ciyaara waxana aan u malaynayaa in aan caawin karo kooxda”ayuu Endo yidhi.
Markii la waydiiyay sababtii uu u qaatay No.3 ayuu Endo yidhi”Lambarka No.3 waa lambarkayga sababta oo ah No.3 ayaan uga ciyaaray Stuttgrat sidoo kale waxa aan uga ciyaaray xulka qaranka Japan sidaas darteed waan jecelahay”.
Related