Kooxda Real Madrid ayaa garaacday Almeria kulankii 2-aad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.
Kulanka ayaa ahaa mid Real Madrid looga naxsaday gool wakhti hore ah iyaga oo ku qasbanaaday in ku soo laabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 3-aad ayay Almeria dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sergio Arribas kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Real Madrid ayaa bilowday in ay raadiso soo laabasha ciyaarta xilli ay weeraro aan kala joogsi lahayn ku qaadayeen Almeria.
Daqiiqadii 19-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay da’yarka Jude Bellingham kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid u dagaalantay sidii ay ugu soo laaban lahayd ciyaarta.
Qaybta dambe ayay Real Madrid sii waday raadinta goolal ay ciyaarta hogaanka kula wareegto xilli ay Almeria qaadayao weeraro rogaal celis ah.
Daqiiqadii 60-aad ayay Real Madrid dhaoisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham kaas oo dhaliyay goolkii 2-aad ee kooxdiisa.
Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 73-aad dhaliyeen goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vini Junior kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guushii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka La Liga.

Related



Source link